Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City oo ku biirtay tartanka loogu jiro bartilmaameedkii Man United iyo...

Man City oo ku biirtay tartanka loogu jiro bartilmaameedkii Man United iyo Chelsea

0

Himilo – Sida uu werinayo Fabrizio Romano, Manchester United iyo Chelsea ayaa wajihi doona tartan adag oo kaga imaanaya Manchester City kaasi oo ku aadan Borussia Monchengladbach xiddigeeda Denis Zakaria

24 sanno jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa soo jiitay kooxo badan oo dunida ah, Manchester City ayaana hadda kusoo biirtay ceeyrsiga loogu jiro laacibkan u dhashay qaranka Switzerland.

Denis Zakaria waxa uu qabsaday indhaha kooxo badan sida Manchester United iyo Chelsea kaddib markii uu si cajiib ah ugu soo muuqday tartanka Champions League.

Manchester United hoggaamiyaheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya beddelka Nemanja Matic, halka Chelsea dooneyso soo qaadashada xiddigan kaddib markii ay ku guuldarreysteen khadka dhexe ee West Ham Declan Rice. Frank Lampard ayaa la werinayaa in uu u baahan yahay beddelka N’Golo Kante iyo Jorginho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version