Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus oo u dhaqaaqday soo qaadashada Olivier Giroud

Juventus oo u dhaqaaqday soo qaadashada Olivier Giroud

0

Himilo – Juventus ayaa la werinayaa in xiddiga kooxda Chelsea weerarka ugu ciyaara Olivier Giroud soo qaadan doonaan billowga sannadka 2021.

Kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa dooneysa weeraryahan mararka qaar badbaadin kara si xilli ciyaareedkan u noqdaan horyaalka Serie A.

Sida ay ku warrameyso Calciomercato, Giroud waxaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa kaga haray todob bilood, taasi oo ka dhigan in laacibka reer France xor u yahay ku biiridda kooxdii uu doono.

Giroud ayaan illaa iyo hadda kusoo billaaban hal kulan oo Premier League ama Champions League ah fasal ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version