Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada India: Diiq sababay dhimashada ninkii lahaa

India: Diiq sababay dhimashada ninkii lahaa

0

Himilo – Diiqa waxaa loo soo diyaariyay dagaalka diiqyada ee sanadlaha uga dhaca koofurka India, si qarsoodi ah ayaa loogu soo rakibay mindi.

Markii dagaalku billowday wuxuu weeraray ninkii lahaa oo uu mindidii kaga dhuftay gumeerka kaddibna  dhaawicii soo gaaray ayuu ku dhintay.

Dhibbanaha waxaa go’ay xidid waxaa loola cararay istibaalka balse dhaxda ayuu ku dhintay billowgii toddobaadkan sida booliska laga soo xigtay.

Diiqa oo baxsaday waxaa lagu qabtay  xarun boolis balse ugu dambayn waxaa la geeyay beer lagu xannaaneeyo digaaga.

Ujeedka mindida loogu soo xiray waxay ahayd inay ka caawiso dagaalka diiqyada kale. Balse mindidii waxay sababtay dhimashada milkiilihii.

Booliska waxay sheegeen inay ku raad joogaan 15 qof oo ka mid ahaa dadka soo abaabulay dagaalka diiqyada oo ay u tilmaameen sharci darro.

Kumnnaan diiq ah ayaa si sanadle ah ugu dhinta dagaalka loogu qabto dalka India. Iyadoo ay jiraan kooxo u dooda xuquuqda xayawaanda haddana bandhiggan wuxuu soo jiitaa daawadayaal badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version