Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad India: Iskuul gabdhaha Muslimiinta ka mamnuucaya xijaabka

India: Iskuul gabdhaha Muslimiinta ka mamnuucaya xijaabka

3

Himilo – Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in iskuul ku yaalla gobolka Karnataka ee Koonfur-galbeed uu ardayda Muslimiinta ah u diiday inay galaan fasallada iyagoo xiran xijaabka.

Waxayna warbaahintu ka soo xigatay maamulka dugsiga in ay oggolaadeen xirashada xijaabka ama niqaabka gudaha dhismaha dugsiga, laakiin aan lagu dhex qaadanayn fasallada, iyaga oo intaa ku daray in ujeeddada go’aanku ahaa in la ilaaliyo “isku-dhafka labiska fasalka.”

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa faafiyay muuqaal ay kasoo duubeen tiro gabdho arday ah oo ka sheekeynaya waxa ku dhacay iyo sida uu saameyn ugu yeeshay go’aanka maamulka iskuulka.

Gabdhahan ayaa sheegay in maamulka Iskuulka uu uga digay inay fasalka dhexdiisa ku hadlaan luuqadaha Carabiga iyo Urduuga oo ay ku hadlaan Muslimiin aad u badan oo ku nool dalka Hindiya.

Dhowr maalmood kahor, baarlamaanka gobolka ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyay sharciga “kahortagga beddelka diinta”, kaas oo mamnuucaya in ruux uu qaato diin kale.

Sharciga cusub wuxuu siinayaa “awoodda dawladda Hindiya” si ay u joojiso habka beddelka qofka haddii qof qaraabo ah u sheego booliiska ama uu gudbiyo kiis ku saabsan u beddelashada diinta cusub.

Sharcigan cusub waxa uu dhigayaa liis ciqaab ah oo ay ku jiraan ganaax iyo xadhig u dhexeeya 6 bilood ilaa 10 sanno, haddii la caddeeyo in uu qof ku riixay qof kale inuu u rogo diintiisa si waafaqsan kiisaska sharciga.

Booliiska Hindiya ayaa ku dhawaaqay inuu furmayo baaritaan ku saabsan baaqyada soo noqnoqda ee tilmaamaya dilalka loo geysto muslimiinta, kuwaasoo ay sameeyaan kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga ah.

 

 

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version