Himilo – Newcastle United ayaa la soo tebiyay inay wada hadal la furtay Reins, si ay uga soo qaadato weeraryahankooda Hugo Ekitike.
Eddie Howe ayaa sheegay inuu aad u daneynayo keenidda weeraryahan cusub maadaama uu dhaawac uga maqan yahay Callum Wilson.
19 jirkan ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Ligue 1, wuxuu dhaliyay siddeed gool afar 18 kulan oo uu saftay, sidoo kale wuxuu caawiyay saddex gool.
Newcastle ayaa lagu wadaa inay labo weeraryahan la saxiixato bishan kadib Kieran Trippier oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ay kooxdu gadato.
