Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Ingiriiska: Carmal dhigatay aroos keligeed ah!

Ingiriiska: Carmal dhigatay aroos keligeed ah!

0

Himilo FM –Haweenay Ingiriis ah ayaa sameysay tijaabadii ugu horreysay ee aroos nuuciisa aan la arag inkastoo dad badan ku dhaliileen sida laga soo xigtay wargeyska Telegraph.

Micheal Denton oo ah carmal ayaa ku fekertay inay guur keligeed ah sameysato bishii Janaayo ee sannadkii hore. Waxay faraanti ka soo iibsatay Amazon iyadoo arooskeeda u qorsheysay lacag dhan 4 kun oo Ginni.

Saaxiibbada Micheal ayay kedis ku noqotay qorshaheeda iyaga oo ku tilmaamay “ Waali” hase ahaatee markii ay ku adkeysatay guurka, waxay saaxiibbadeeda ku qasbanaadeen inay soo xaadiraan xafladda.

“Waxaan diyaariyay hool, ubaxyo aniga oo casuumay 130 qofood iyo koox garaacda musikada,” ayay tiri Micheal.

Waxay intaa raacisay in xafladda arooska ahayd mid weyn oo lamid ah aroosyada kale.

Haweenayda 42 jirka ah oo horay u soo dhashay labo carruur ah ayaa aaminsan inay sameysay tijaabo fiican iyadoo oggaatay awoodda qofka ee xaaladda kelinnimada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version