Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Tottenham oo kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doonto kooxo dhowr ah

Tottenham oo kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doonto kooxo dhowr ah

0

Himilo FM –Tottenham ayaa la ciyaari doonta Real Madrid, Bayern Munich iyo Fenerbahce Audi Cup xagaagaan.

Audi ayaa la ciyaaraa kahor xilli ciyaareedka xilli lagu dheelayo Allianz Arena oo ay ku ciyaarto kooxda Munich labadii sanno ee la soo dhaafay.

Spurs ayaa furitaanka tartanka la ciyaareysa  Real Madrid 30-ka bisha July saacadda marka ay tahay 3:00 galabnimo ka hor inta aysan Bayern la ciyaarin Fenerbahce labo saacadood kaddib.

Kulanka seddexaad / afaraad ee ciyaarta iyo finalka wuxuu dhacayaa 31-ka Luulyo 3:00 iyo 5.30 galabnimo, siday u kala horreeyaan.

Tottenham ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee tartanka sanadka 2015-kii kaddib markii ay 2-0 kaga badisay AC Milan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version