Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Inter Miami oo soo bandhigtay Messi xilli ay kaalinta ugu hooseysa ku...

Inter Miami oo soo bandhigtay Messi xilli ay kaalinta ugu hooseysa ku jirto

0

Kooxda Kubadda Cagta Inter Miami ee ka ciyaarta Horyaalka MLS-ka Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Leonel Messi.

Xiddiggan oo isaga tagay PSG ayaa doortay Kooxda ka ciyaarta MLS-ka xilli kooxda ay ku dhowdahay in ay u laabato heerka 2aad.

Bandhigga Messi ayaa waxaa buux dhaafiyay taageerayaasha Inter Miami oo albaabada Garoonka laga xiray kaddib markii 20,000 qof ee uu qaaday ay gudaha u galeen.

Messi ayaa la siiyay Nambarka 10aad ee uu ka wato xulkiisa Qaranka iyo kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu inta badan noloshiisa kubadda cagta ku soo qaatay.

Munaasibadda soo bandhigidda Messi waxaa furay David Beckham oo ka mid ah milkiilayaasha Kooxda Inter Miami.

Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa kooxda reer Mareykank u saxiixay qandaraas uu kula joogayo ilaa sanadka 2025ka.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version