Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Inter Milan oo kordhineysa dalabka ay ku dooneyso Christian Eriksen

Inter Milan oo kordhineysa dalabka ay ku dooneyso Christian Eriksen

0

Himilo – Inter Milan ayaa ku war gelisay Tottenham Hotspur inay daneynayso kordhinta dalabka ay ku dooneyso ciyaaryahanka Christian Eriksen.

Lix billood ayaa ka harsan Qandaraaska Christian Eriksen ee Tottenham, taasi oo ka dhigeysa laacibka reer Denmark mid u furan kooxo badan.

Marka la fiiriyo saxafiga Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio, Inter ayaa soo bandhigtay dalab cusub oo ay ku bixineyso £11 Milyan.

Si kasta, kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ayaa la tilmaamayaa inay dooneyso in Eriksen heysato inta ka harsan xilli cayaareedkan.

Eriksen ayaa dhaliyay seddex gool halka uu caawiyay seddex kale 23 kulan oo uu u saftay Tottenham Hotspur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version