Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Jeenyo oo guul gaartay xilli Feysal Xaashi uu saddexleey dhalliyay

Jeenyo oo guul gaartay xilli Feysal Xaashi uu saddexleey dhalliyay

0

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Signjet oo ay wada dheeleen kullankii 70aad ee horyaalka heerka koowaad Soomaaliya.

Signjet ayaa gool dhallinta bilowday markii Saciid Daahir Malabeey oo lanbarka 9aad u xirta uu shabaqa gaaray daqiiqaddii 14aad ee bilowga cayaarta.

Wixii intaa ka danbeeyay Jeenyo oo inay soo laabato ay ka go’neyd ayaa cayaarta la wareegtay, waxaana daqiiqaddii 38aad cayaarta barbaro min gool ah ka dhigay Max’ud Cabdinuur Meyman oo dhaliyay mid kamid ah goolashii ugu quruxda badnaa xagaagan horyaalka Soomaaliya.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa la isku soo laabtay, hayeeshee weeraryahanka Jeenyo Feysal Xasan Xaashi ayaa saddexley israacsaday isagoo bilaabay dharbaaxada daqiiqaddii labaad ee qeybta labaad.

Jeenyo ayaana gaartay guul 4-1 ah, ogow waa markii saddexaad oo saddexley uu dhaliyay weeraryahanka Jeenyo Feysal Xaashi.

Jeenyo ayaana iminka 28 dhibcood la fadhisa booska labaad ee kala sareynta horyaalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version