Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Jesse Lingard oo ku sii jeeda albaabka looga baxo Old Trafford

Jesse Lingard oo ku sii jeeda albaabka looga baxo Old Trafford

0

Himilo – Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagi karo Manchester United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

27 jirkaan ayaa kaliya labo kulan oo EFL Cup ah u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, halka uusan xitaa ku jirin Saf Premier League ah tan iyo bilowgii bishii October.

Lingard qandaraaskiisa haatan ee Old Trafford wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, in kasta oo kooxda 20-jeer hanatay horyaalka Ingariiska ay heystaan fursad ay 12-bilood oo dheeri ah heshiiska ugu kordhin karaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England, sida ay soo warisay ESPN, waxay dhawaan kala tageen wakiilkiisa Mino Raiola, waxaana haatan ilaalin doona xubnaha qoyskiisa iyo kuwa ku dhow dhow.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa dooneysa inay iibiyaan weeraryahankan inta lagu jiro bisha Janaayo maadaama ay qatar ugu jiraan inay ku waayaan beeca xorta ah.

Lingard ayaa dhaliyay 33 gool wuxuuna diiwaan galiyay 20 kale 209 kulan oo uu u saftay kooxda United.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version