Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo La kulan Wilbur: Eyga loo doortay duqa magaalada Rabbit Hash ee Mareykanka

La kulan Wilbur: Eyga loo doortay duqa magaalada Rabbit Hash ee Mareykanka

0

Himilo – Wilbur oo ah lix bil jir ayaa loo doortay duqa magaalada uu maro wabiga Ohio ee Rabbit Hash ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka.

Magaaladan qadiimiga ah oo ay ku nool yihiin wax ka yar 500 oo ruux waxey dhaqan u leedahay dhaqashada iyo maamusidda xayawaanada sida Eyda iyo bisadaha.

Don Claire, oo ka mid ahaa dad ku noolaa magaaladan ayaa maalin ku taliyay inay habboon tahay in xayawaanada loo doorto duq magaalo, iyada oo aanan loo eegeynin nooc Ey oo gaar ah, sida ay Amy Noland u sheegtay muuqaal baahiyaha NBC.

Aragtida ninkaan ayaa ku saleysneed oo kaliya sidii dhaqaale looga uruurin lahaa bulshada jecel xayawaanada ee ku nool magaaladaasi.

Waxey xustay haweeneydan oo leh Wilbur in dhaqanka doorashada xayawaanada uu soo billaawday sanadihii 1990-meeyadii. Wixii xilligaasi ka danbeeyay illaa shan Ey ayaa loo doortay xilka guddoomiyaha magaalada Rabbit Hash ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version