Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro John Stones oo heshiiska u kordhinaya Manchester City

John Stones oo heshiiska u kordhinaya Manchester City

0

Himilo – Daafaca lagu magacaabo John Stones ayaa la werinayaa in qallinka uu duldhigi doono heshiis cusub uu la gelayo kooxda Manchester City.

Laacibka qaranka England ayaa hoos u dhac ku wajahay Etihad Stadium xagaagii laga soo gudbay isaga oo culeysyo kala kulmay xiddigaha Nathan Ake iyo Ruben Dias.

Si kastaba, todobadii kulan ee uu ciyaaray dhammaan tartamada tan iyo billowga bishii September, keliya hal gool ayaa laga dhaliyay kooxda, kulankaasi oo ay wajaheenWolverhampton Wanderers.

Sida ay ku warrameyso The Telegraph, 26 sanno jirkaan ayay u badan tahay in uu heshiiska u cusbooneysiin doono naadiga, xilli qandaraaska Stones uu kaga harsanyahay 18 bilood.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version