Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kadib guushiisa Boxing Day, Mourinho oo wacad ku maraya tiigsiga kooxaha hoggaanka...

Kadib guushiisa Boxing Day, Mourinho oo wacad ku maraya tiigsiga kooxaha hoggaanka haya

0

London – Macalin Mourinho ayaa wacad ku maray inuu tiigsado kooxaha kaga horreeya hoggaanka horyaalka England ee PL kadib markii Shayaadiinta Cascas joogteeyeen guulahooda.

United-ka ayaa sameysay afar guul oo ay ugu danbeyso kulankii xalay Sunderland ay ku garaaceen gegidooda Old Trafford.

Wiilasha Mourinho ayaa wali ku jira booska lixaad ee kala horreynta, balse boss-ka United-ka ayaa ku kalsoon in laacibiintiisu jari karaan fogaanta u jirta kooxaha hoggaanka ku loolamaya.

“Dan kama lihi kala horreynta, daacadnimadii,” ayuu yiri Mourinho. “Danta aan leeyahay waxay tahay sida aan u dheelno – natiijada aan soo hoyno.”

“Waxaan sameynay ban-dhigyo fiican waqtiyo mudan. Ugu danbeyntiina waxaan helnay natiijooyin wanaagsan – afar guul iyo 12 dhibcood.”

Zlatan Ibrahimovic oo goolasha United-ku ku badiyeen mid kamid ah dhaliyay ayaa wadarta goolashiisa ka dhigtay 17 gool – iyada oo macalin Mourinho uu dhankiisa hubsanayo in madaxda United-ka ay qalinka saarayaan ballaarinta saxiixa laacibkan.

“Wuxuu diyaar u yahay halkan – wuuna joogaa waqti kale.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version