Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kolo Toure oo ku faraxsan inuu sii joogo Liverpool

Kolo Toure oo ku faraxsan inuu sii joogo Liverpool

0

Daafaca Liverpool Kolo Toure ayaa carabka ku dhuftay inuu jeclaan lahaa inuu ku sii sugnaado Anfield xagaaga soo aadan, haddii kooxdu ugu yaboohdo fursad kale.

35 jirkaan qandaraaska uu Reds kula jiro ayaa dhacaya dhammaadka xagaaga, hayeeshee macallin Jurgen Klopp ayaa kahor kulankii sabtida ay barbaraha la galeen Newcastle xiddigaan ku tilmaamay mid kooxda muhiimad weyn u leh.

“Waa war weyn in amaantaa uu ii soo jeediyo macallin sare,” Toure ayaa sidaa u sheegay BBC Sport.

Liverpool ayaa qarka u saaran inay weyso daafaceeda dhexe  Mamadou Sakho oo ku dhacay baaritaanada caafimaad, taa ayaana laga yaabaa in fursad kale ay siiso Kolo Toure.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version