Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Maradona oo kula taliyay Napoli inay u dhaqaaqdo saxiixa Kane

Maradona oo kula taliyay Napoli inay u dhaqaaqdo saxiixa Kane

0

Halyeyga Napoli Diego Maradona ayaa u soo jeediyay kooxdiisii hore inay u dhaqaaqdo saxiixa wiilka Tottenham Harry Kane.

Gool dhaliyaha kooxda ugu muhiimsan waa Gonzalo Higuain oo xagaagan horyaalka Serie-A ka dhaliyay 30 gool, hayeeshee Maradona ayaa aaminsan ninka ay isku dalka yihiin inaanu awoodi doonin xagaaga soo aadan sidan oo kale inuu sameeyo.

Maradona ayaana qaba in kooxda Napoli ay u dhaqaaqdo Harry Kane oo kooxdiisa xagaagan u dhaliyay 24 gool si uu u bado wiilasha macallin Pochettino inay u tartamaan hanashada horyaalka.

Napoli ayaa xagaagan u muuqata inay booska labaad ee kala sareynta horyaalka ku dhameysan doonto kaddib guuldaraddii shalay kasoo gaartay kooxda Roma.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version