Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maroodi: Afartan daqiiqo oo uu siday dalxiisayaal dabadeed waxa uu u geeriyooday...

Maroodi: Afartan daqiiqo oo uu siday dalxiisayaal dabadeed waxa uu u geeriyooday haraad

0

Sambo waa Maroodi dhedig, waxa ay ku lugeysay 40 daqiiqo heer kul sareeya oo gaarsiisan 40°C iyadoo siday dalxiisayaal ugu martiyay dalkii ay ku nooleyd ee Cambodia.

Cimilada oo sareysa, daal kuleyluhu watay iyo la’aanta dabeyl qaboojin kartay ayaa horseeday geerideeda sida uu aaminsan yahay qof ku taqasusay cilmi xoolaha.

Baaritaano dheeri ah ayaa loo sameynayaa si loo ogaado xogta dahsoon ee dhimashada Maroodiga.

Durba waxaa bilowday olole looga soo horjeedo u adeegsiga gaadiid ee maroodiga iyo rarashadiisa.

Maroodiga Sambo ayaa 15kii sano oo u danbeysay u shaqeyneysay Shirkadda Maroodiyaasha Angkor. Shirkaddan ayaana u adeegsata Maroodiyaasha inay gaadiid u noqdaan dadka dalxiisayaasha ah.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version