Home Cayaaro Kooxo Ingiriis ah oo doonaya Andre Silva

Kooxo Ingiriis ah oo doonaya Andre Silva

0

Himilo – Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Southampton iyo Wolverhampton Wanderers ay labaduba xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka Milan Andre Silva.

Sida laga soo xigtay saxafiga Nicolo Schira, kooxaha Premier League ayaa dalabyo ammaah ah ku doonaya si fursad ugu helaan inay  iibsadaan xagaaga soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, Schira ayaa soo jeedinaya in Milan ay door bidi doonto inay si rasmi ah u  iibiso  Silva oo ay ka helaan  qiiimo dhan € 25m.

Milan ayaa  kaga soo iibsatay FC Porto 38 milyan oo gini si ay ula saxiixato xiddiga reer Portugal 2017-kii , laakiin waxa uu dhaliyay keliya labo gool oo Serie A xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Waxa uu xilli ciyaareedkii hore ku kharash gareeyey Sevilla, laakiin wuxuu ku laabtay San Siro ka dib markii ay iska diideen inay iibsadaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version