Himilo – Ku dhawaad laba milyan oo Muslimiin ah ayaa la filayaa inay sanadkan gutaan waajibaadka Xajka, iyadoo xujeydu ay maanta billaabeen u gudbidda deegaanka barakeysan ee Mina, taas oo calaamad u ah bilowga rasmiga ah ee acmaasha Xajka.
Maalinta Tarwiyada, oo ah wejiga ugu horreeya ee Xajka, ayay xujeydu ku qaataan duco, xuska Alle iyo akhrinta Talbiyada, iyagoo sidoo kale ku tukada shanta salaadood ee waajibka ah si gaaban, kana hoyda Mina ka hor inta aysan u dhaqaaqin bannaanka Carafo maalinta xigta.
Mina waxay leedahay muhiimad diimeed oo weyn, maaddaama ay tahay goobta ay xujeydu ka bilaabaan manaasikta Xajka, sidoo kalena ay dib ugu soo laabtaan Maalinta Ciidda iyo maalmaha Tashriiqda si ay u gutaan cibaadooyinka kale sida dhagax-tuurka. Goobtan oo u dhexeysa Maka iyo Muzdalifa ayaa ku fadhida dhul qiyaastii 16.8 kiiloomitir laba jibbaaran ah, waxaana ku yaalla astaamo taariikhi ah sida Masjidka Khayf oo uu Nebi Muxamed (NNKH) ka jeediyay Khudbadii Sagootinta.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in sanadkan la hirgeliyay in ka badan 25 mashruuc oo horumarineed oo lagu ballaariyay goobaha barakeysan. Mashruucyadaas waxaa ka mid ah kordhinta awoodda Mina, diyaarinta in ka badan 54,000 teendho iyo beerista in ka badan 60,000 geed oo qayb ka ah mashruuca “Goobaha Barakeysan ee Cagaaran”, si loo hagaajiyo tayada hawada loona yareeyo saameynta kuleylka.
Sidoo kale, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in si buuxda loo diyaariyay qorshayaasha gaadiidka, hagidda xujeyda iyo adeegyada kale ee la xiriira maalinta Tarwiyada, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya Xajka.
Dhanka cimilada, Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada Sacuudiga ayaa saadaalisay in heerkulka Mina uu gaari karo ilaa 45°C maalintii, iyadoo ay jiri karaan dabeylo iyo boorar, waxaana la diyaariyay adeegyo digniino cimilo oo lagu bixinayo shan luqadood si loo wacyigeliyo xujeyda.
