Home Caruurta Maxay muhiim u tahay inay carruurta helaan ciyaar?

Maxay muhiim u tahay inay carruurta helaan ciyaar?

0

Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee dawladda Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo dhaqdhaqaaqa oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah.

Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga ah, muraayadda Fiidyowga iyo kombiyuutarka ama qalabka kale ee loogu talagay, in ay ka mid yihiin sababaha ugu badan ee carruurta ku keena in dhaqdhaqaaqoodu yaraado, sidaa awgeed ay waajib ku tahay waalidiintu in ay xakameeyaan waqtiyada ay carruurtu u fadhiyeyso ciyaarahan. Isla markaana ilmaha lagu dhiirrigeliyo in uu waqtiyada qaar bannaanka ama hawo furan ku ciyaaro.

Waxa ay digniintu sheegaysaa in ilmuhu uu celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo badh maalin kasta ciyaaro ama dhaqdhaqaaq jireed sameeyo, iyada oo tusaale u soo qaadatay jimicsiyada jidh dhiska ee da’da ilmaha ku habboon, sida xadhig ka boodka, baaskiilka, dabbaasha, orodka iyo noocyada kubadda. Ciyaarahan ayaa ay khubaradu sheegeen in ilmuhu ka helo jidh dhis, caafimaad iyo tababar bulsho oo uu dulqaadku ka mid yahay.

W/Q: Kamaal Marjaan

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version