
Waa kulankii 45aad ee horyaalka Kubadda Koleyga, waana kulankii u danbeeyay oo qeybta koowaad ee horyaalka la dheeli doono.
Labada kooxood ayaa badiyay min siddeed kulan oo xagaagan ay dheeleen, kooxdii badisaana waxay u gudbi doontaa qeybta labaad ee horyaalka iyadoo hogaanka heysa.
Kusimaha Xoghayah XSKK Cabdi cabdulle Axmed Baasaale ayaa baahiyay in mid ka mid ah TV-yada madaxa banaan ee afka Soomaaliga ku hadlo laga daawan doono kulanka.
Waa marki ugu horeysay ee horyaalka Kubada Koleyga Soomaaliya si toos ah looga daawado meel ka baxsan gudaha garoonka.