Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kooxda kubadda koleyga Dekedda oo guul ka gaartay dhigeeda Horseed

Kooxda kubadda koleyga Dekedda oo guul ka gaartay dhigeeda Horseed

0

Kooxda kubadda koleyga Dekkeda ayay u suurto gashay inay qeybta koowaad ee horyaalka ku macsalaameyso guul iyadoo xaqiiqsatay inay dhulka dhigtay kooxdii ku soo xigtay dhanka kala horeynta ee horseed.
Dekkeda ayaana toddobo jeesto ku garaacday dhigeeda Horseed kulankii galabta ka dhacay gegada Wiish ee degmada Cabdi Casiis.
Cayaarta ayaa ku dhamaatay 52-38 oo loogu awood sheegtay kooxda booska afaraad horseed.
Cabdirisaaq Axmed Dable “Mandela” oo lanbarka 11aad u xirta kooxda Dekedda ayuuna ahaa laacibkii garoonka.
Axmed Maxamed Muqtaar iyo Zakariye Macallin Nuur ayaa cayaartan dhexdhexaadiyaal ka ahaa.
Dekedda ayaana guul ku soo xirtay kulankeedii u danbeeyay qeybta koowaad ee horyaalka halka Horseedna jab ay ku macsalaameeyeen qeybta koowaad ee horyaalka kubadda koleyga Soomaaliya.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version