Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Manchester City oo barbaro goolal la’aan ah la gashay Norwich

Manchester City oo barbaro goolal la’aan ah la gashay Norwich

0

timKooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku booqatay Norwich City gegadaCarrow Road kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League oo ay u soo daawasho tageen 26,323 taageere.

Sergio Aguero ayaa ku sigtay inuu laba goor gool ka dhaliyo Canaries hayeeshee goolhaye John Ruddy ayaa shaqo wacan qabtay oo badbaadin indha qabad leh sameeyay.

Norwich ayaa ku sigatay inay cayaarta hogaamiso markii meel goosha u jirta 25 yard uu kubad ka laaday Patrick Bamford, darbadii uu ridayse birtaa ka beenisay.

Graham Dorrans ayaa sidoo kale kooxdii martida loo ahaa ka qasaariyay fursad kale oo dahabi aheyd markuu kubadda ku lalay cirka xilli uu boos fiican joogay.

Cayaarta ayaa waqtigii loogu talo galay kusoo idlaatay barbaro goolal la’aan ah, taa ayaa dhaawaceysa hanka ay Sky Blues ka leedahay hanashada horyaalka.

Timm Klose oo daafaca dhexe uga dheela Norwich City ayaana la siiyay abaalmarinta xiddiga garoonka.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version