Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Lacazette oo damaanad boos ah ka doonaya Arsenal

Lacazette oo damaanad boos ah ka doonaya Arsenal

0

Himilo – Alexandre Lacazette ayaa la soo warinayaa in uu Arsenal ka doonayo damaanad ku saabsan in uu mustaqbal ku leeyahay garoonka Emirates Stadium.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa wakhtiyo kal a duwan ku qaadanaya Arsenal tan iyo markii uu Lyon kaga soo biiray heshiis ku kacay £46.5m.

Lacazette ayaa ku dhibtooday in uu boos joogto ah ka helo isaga oo keliya dhaliyay 9 gool dhammaan tartamada oo idil.

Laacibka oo hadda heysta qandaraas labo sanno ah ayaa doonaya in loo caddeeyo boos uu ku yeelanayo kooxda tababare Mikel Arteta.

Inter Milan ayaa kamid ah kooxaha xiiseynaya cayaaryahanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version