Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Lautaro Martinez oo Barcelona ku biiraya 2021

Lautaro Martinez oo Barcelona ku biiraya 2021

0

Himilo – Lautaro Martinez ayaa ku farraxsan in uu xilli cayaareed kale ku qaato Inter Milan isaga oo ku biiraya Barcelona sannadka 2021-ka.

Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in Barcelona kamid tahay kooxaha xiiseynaya Lautaro Martinez kahor suuq furanka xagaaga.

Barcelona ayaa u aragta cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez iyada oo si weyn loola xiriiriyay laacibka bilihii ugu danbeeyay.

Marotta ayaa xusay in kooxo badan isha ku hayaan wararka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka laakiin ninka madaxda ka ah Inter Milan ayaa ku kalsoon in Martinez uu sii joogi doono Talyaaniga illaa xagaaga.

Isaga oo la hadlyay Sky Sport Italia, Marotta ayaa ayaa yiri “kooxo badan ayaa diiradda saaraya  Lautaro Martinez, cid kasta way ogtahay taasi.”

Martinez ayaa dhaliyay 17 gool dhammaan tartamada oo idil.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version