Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Mikel Arteta oo ku kalsoon in Aubameyang uu baaqi ku ahaan doono...

Mikel Arteta oo ku kalsoon in Aubameyang uu baaqi ku ahaan doono Arsenal

0

Mikel Arteta ayaa ku kalsoon in xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang uu kooxda sii joogi doono isla markaanna laacibka reer Gabon uu baaqi ku aahan doono Emirates.


Aubameyang waxa qandaraaskiisa kooxda kaga haray muddo 12 bilood laakiin Arteta waxa uu leeyahay “ Waxaa socda wadahadallo heshiis cusbooneysiin ah”.

31-jirkaan horey ugu soo ciyaaray Borussia Dortmund ayaa laba gool dhaliyay kulankii Arsenal ay guusha ka gaartay Manchester City Sabtidii taasi oo ka saaciday gaaridda finalka FA Cup.

Mar wax laga weydiiyey arrimaha Aubameyang ayuu Arteta u sheegay Sky Sports News: “Waxaa socda wadahadallo heshiis kordhin ah, waxaan ku kalsoonahay in uu kooxda sii joogi doono”.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version