Home Cayaaro Lautaro Martinez oo isaga tegaya Inter Milan

Lautaro Martinez oo isaga tegaya Inter Milan

0

Himilo – Inter Milan weeraryahankeeda Lautaro Martinez ayaa la werinayaa in uu doonayo ka dhaqaaqista kooxda Nerazzurri sannadka 2021.

Martinez ayaa hadda si wanaagsan ugu ciyaaraya kooxda San Siro isaga oo dhaliyay lix gool iyo seddex caawin dhammaan tartamada fasal ciyaareedkan, laakiin 23 sanno jirkaan ayaan weli heshiis kordhin u sameyn naadiga Antonio Conte.

Warbixnno isku mid ah waxay sheegayaan in laacibkan uu u dhaqaaqi doono dalka Spain wuxuuna middood ku biiri doonaa kooxaha Barcelona ama Real Madrid oo iyaduna si weyn u dooneysa.

Martinez ayaa Alexis Sanchez ka caawiyay furitaanka goolka koowaad xilli Inter ay 3-0  kaga badisay Sassuolo horyaalka Serie A billowga isbuucan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version