Himilo FM – Daafaca biddix ee kooxda Leeds United Leif Davis ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday Liverpool, sida ay qortay The Sun.
Kooxda Whites ayaa kala soo saxiixatay Davis Morecambe xagaagii lasoo dhaafay , waxa uuna bilaabay billowgiisii ugu horreeyay horyaalka Championship bishii December.
Warbixinta the Sun ayaa sheegtay in Bournemouth ay sidoo kale xiiseyneyso Davis.
Inkastoo Cherries ay la soo saxiixatay daafaca dambeedka biddix Lloyd Kelly qiimo dhan £ 13 milyan.
Liverpool ayaa xiiseyneysay Kelly, laakiin ma aysan dooneynin inay kula soo wareegaan dalabka Bournemouth, sida ay qortay The Mirror.
Reds ayaa raadineysa daafac biddix si ay keyd uga dhigto Andy Robertson, iyadoo Alberto Moreno uu baxayo.
Warbixinta ayaa qeexaysa in Leeds xirfadlaheeda Davis lagu qiimeeyo £ 4 milyan, Leeds ayaa laga yaabo inay eegto Kelly qiimahiisa.
Davis, oo 19 jir ah, ayaa shan kulan u saftay Leeds tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, oo uu ku jiro labo uu ku soo billawday.
