Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Jabaan oo dooneysa in sida saxda ah loo qoro magaca RW dalkaasi

Jabaan oo dooneysa in sida saxda ah loo qoro magaca RW dalkaasi

0

Himilo FM –Dowladda Jabaan ayaa ka codsanaysa caalamka in magaciisa saxda ah loogu yeero ra’iisul wasaaraha dalkaasi  halkii laga dhihi lahaa Shinzo Abe.

Jabaan ayaa dooneysa in ra’iisal wasaaraha loogu yeero magaciisa saxda ah oo ah Abe Shinzo kaddib muddo 13 sanno ah oo xafiiska uu joogay.

Taro Kono oo ah wasiirka arrimaha dibadda Jabaan ayaa ka dalbaday warbaahinta caalamiga ah inay soo hormariyaan Abe oo ay yiraahdaan Abe Shinzo.

“ Waxaan qorsheynaynaa in warbaahinta caalamiga ah sameyso sidan, warbaahinta maxaliga ah ee ku hadasha afka Ingiriisiga, waa inay iyagana tixgaliyaan,” Taro ayaa sidaasi yiri.

Magacyada Jabaan ayaa sida caadiga ah waxaa la hormariyaa magaca qoyska iyadoo la raacinayo magaca qofka hase ahaatee magacyada Ingiriiska ayaa loo qoraa si caksi ah.

Mr Shinzo ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha Jabaan intii u dhaxaysay 2006 illaa 2007 iyadoo mar kale uu xafiiska dib ugu soo laabtay sannadkii 2012.

Magaca ra’iisul wasaaraha ayaa in muddo ah loo qorayay “Shinzo Abe“ inkastoo warbixin dowladda Jabaan soo saartay sannadkii 2000 ku sheegtay in magacyada Jabaan la soo hormariyo kuwa qoyska.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version