Home Cayaaro Jovic oo ku biiraya Real Madrid toddobaadkan

Jovic oo ku biiraya Real Madrid toddobaadkan

0

Himilo FM –Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay ku dhawaaqdo saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Luka Jovic toddobaadkan.

Kooxda reer Spain ayaa u baahan xagaagan is diyaarin wayn kaddib xilli ciyaareedkii  2018-19 markii ay ku soo afjartay guuldarradii 2-0 ee  ka soo gaartay Real Betis axaddii.

Iyadoo horay ula soo wareegtay Eder Militao iyo Rodrygo oo ka kala yimid FC Porto iyo Santos, Don Balon ayaa sheegaysa in heshiiska haatan uu yaallo Frankfurt  taasoo ku dooneyso xiddiga khadka dhexe ee Jovic qiimo sarre.

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu £ 57M ku iibsanayo xiddiga reer Serbia, kaasoo dhaliyay 17 gool 32 kulan oo uu  saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Warbixinta ayaa muujineysa in ku dhawaaqitaanka heshiiska  uu dhaw yahay, taasoo  Los Blancos  u suura galinaysa inay iskaga haraan doonista xiddigaha  diiradda u saaran ee Eden Hazard iyo Paul Pogba.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version