Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo dalab £96m ah laga soo diiday

Man United oo dalab £96m ah laga soo diiday

0

Himilo FM –Manchester United ayaa laga soo diiday  dalab ay u dirtay daafaca Napoli Kalidou Koulibaly, sida laga soo xigtay wargeysyada  Talyaaniga.

United ayaa suuqa ugu jirta daafaca dhexe xagaagii labaad oo isku xiga, waxaana lala xiriiriyay Koulibaly si loogu xaliyo dhibaatada muddada dheer ka taagan booskaas.

Ka dib xilli ciyaareed aan daafac dhexe  lahayn ay joogtay United, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto booska Jose Mourinho ee aanu awoodin inuu keeno.

Dhanka kale, United ayaa qarka u saaran inay bixiso lacagta Thomas Partey  qandaraaskiisa lagu burburin karo.

Waxaa lagu dhawaaqay xiddiga qaranka  Ghana ay United  diyaar u tahay inay bixiso 43.5 milyan oo ginni oo ah qiimaha  Partey  qandaraaskiisa Atletico Madrid lagu bur burin karo .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version