Home Cayaaro Liverpool oo beddalka Firmino ka raadineysa Bayer Leverkusen

Liverpool oo beddalka Firmino ka raadineysa Bayer Leverkusen

0

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqayso weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen Kai Havertz oo ay beddal uga dhigeyso Roberto Firmino.

Firmino ayaa qeyb weyn ka ahaa ol-olaha guusha ee kooxda Reds 2019-2020  laakiin laacibka reer Brazil ayaa noqonaya 29 jir sannadkan isaga oo keliya dhaliyay siddeed gool oo horyaalka ah.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, Havertz ayaa bartilmaameed u noqon kara kooxda uu hoggaamiyo tababare Jurgen Klopp.

Manchester United iyo Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weeraryahanka oo dhaliyay 12 gool xilli cayaareedkan.

Qandaraaska Havertz ee Leverkusen ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version