Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Muslimiin gargaar kala duwan la gaaraya kuwa ayaanka liita!

Muslimiin gargaar kala duwan la gaaraya kuwa ayaanka liita!

0

Himilo – Samafalayaal ka socda Muslim Giving Back ayaa fagaaraha Manhattan habeen walba cunnooyin ugu qeybiya dadka danyarta ah ee darbiyada jiifsada.

Waxay sidoo kale gabbaad iyo hoy u sameeyaan kuwa la kulma ama dhibanayaasha ku waxyeelooba rabshadaha ay kala kulmaan reerahooda.

“Waxaynu nahay hal qoys oo ballaaran. Mana isku tix-gelino kala diimo. Xaqiiqdii, inta ugu badan oo aan caawino waa kuwo aan Muslimiin ahayn balse u baahan gargaarkeenna,” ayuu yiri Mohammed Widi oo hoggaan u ah ol’olaha.

Mana ahan iyaga oo kaliya kuwa kaalintaas buuxinaya.

Haroon Mota, oo waayeel da’ ah kaas oo go’aansaday inuu ordo 260 km si uu yabooh ugu raadiyo Ol’olaha kaalmada degdegga ah ee kahor-tagga musiibooyinka ayaana kamid ah.

Bilowgii Bisha Ramadaan, laacibka Mascuud Ozil ayaa ku deeqay adduun dhan 80,000 oo Giniga istarliinka ah si loogu caawiyo Muslimiinta baahan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version