Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Liverpool oo shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaan doono Emre Can

Liverpool oo shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaan doono Emre Can

0

 

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay in muddo afar ilaa lix toddobaad ah uu garoomada ka maqnaan doono kubbad sameeyaheeda Emre Can oo dildillaac seedka anqawga uu kasoo gaaray.

Xiddigan reer Jarmal ayaa toban daqiiqo garoonka ku dhex luudayay kulankii ay la dheeleen kooxda Borussia Dortmund oo ku soo booqatay gegada Anfield.

Laacibkan oo ul jiis gegada uga baxay ayaa shalay baaritaano dheeri ah maray, maanta ayayna natiijada baaritaankaa kooxdiisu baahisay.

Macallin Jurgen Klopp ayaa diiday inuu ka dhawaajiyo in Emre uu seegayo inta xagaaga ka harsan, waase hubaal inuu kooxda ka maqnaan doono kulanka ay Afar dhammaadka Europea League la dheeli doonaan Villareal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version