Home Habka-Nolosha Manchester United iyo Chelsea oo isku heysta saxiixa Marquinhos

Manchester United iyo Chelsea oo isku heysta saxiixa Marquinhos

0

Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Chelsea ayaa loolan xoogan ugu jira daafaca reer Brazil Marquinhos.

Daafacan 21 jirka ah ayaa qorsheynaya inuu isaga tago kooxdiisa PSG maadaama boos joogto ah uusan ku heysan oo boosaska kooxdaa daafaceeda dhexe ay heystaan wiilasha ay wadan wadaaga yihiin ee Thiago Silva iyo David Luiz.

Wiilkan oo 24 kulan xagaagan kooxdiisa metelay, ayay PSG qorsheyneysaa inay isaga iibiso dhammaadka xagaaga adduun lacageed dhan £40m.

Les Parisiens ayaa dooneysa qudheedu saxiixa Depay oo United garab weerar uga dheela iyo kubbad sameeyayaasha Chelsea Oscar iyo Hazard.

Marquinhos ayaa noqday da’yarkii dunida ugu qaalisanaa markii adduun lacageed dhan £25m uu ugu biiray PSG sanaddii 2013.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version