Home Habka-Nolosha Real Madrid oo u awood sheegatay dhigeeda Getafe

Real Madrid oo u awood sheegatay dhigeeda Getafe

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa booqatay gegada Coliseum Alfonso Perez oo ay kula dheeshay dhigeeda Getafe.

Goolal ka kala yimid Karim Benzema iyo Isco ayaa ka dhigay Los Blancos inay cayaarta 2-0 ku hogaamiso.

Gareth Bale ayaa qeybtii labaad daqiiqaddii 5aad goolka saddexaad u dhaliyay kooxda Real Madrid.

Daqiiqaddii 84aad Pablo Sarabia ayaa goolka calanka u dhaliyay kooxda martida loo ahaa inta aanu afar daqiiqo kaddib gool kale uusan ugu shubin James Rodriguez.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqaddii 90aad cayaarta soo afjaray, markii uu ku soo geba gabeeyay in Real Madrid ay 5-1 ku dhufato kooxda Getafe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version