Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Luis Suarez oo loo haysto imtixaan uu qishay

Luis Suarez oo loo haysto imtixaan uu qishay

0

Himilo – Boliiska Talyaaniga ayaa baaraya imtixaankii muwaadinimada ee Luis Suarez uu dhawaan galay, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inuu u dhaqaaqi doono kooxda lagu naaneeyso marwada duqda ah ee Juventus.

Waaxda dhaqaalaha daba gasha ee boliiska Italy, ayaa tuhunsan inuu ciyaariyahanka ka warhayay macluumaadyo ku jiray Imtixaanka, natiijadiisana ay ka tarjumeyso.

Luis Suarez, ayaa bartamihii bishan u duulay magaalada Perugia ee bartamaha Talyaaniga, si loo dhammeystiro qorshihiisa ka cayaarista horyaalka Serie A.

Qorshaha Suarez ee ku biirista Juva, ayaa u muuqata mid sii wiiqmaya maadaama kooxda haysata horyaalka Talyaaniga la filayo inay dib heshiis ula saxiixato Alvaro Morato.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version