Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro PSG oo bixineysa £75-milyan si ay u hesho Kalidou Koulibaly

PSG oo bixineysa £75-milyan si ay u hesho Kalidou Koulibaly

0

Himilo – Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa hadda waxaa doodoonaya kooxaha PSG iyo Manchester City, iyadoo mid waliba dooneysa inuu kusoo biiro laacibkan Africanka ah.

The Telegraph, ayaa qoreysa in PSG ay dooneyso in Koulibaly ay ku xoojiso daafaceeda, maadaama uu ka tagayo Thiago Silva.

Macalinka kooxda PSG Thomas Tuchel, ayaa diyaar u ah inuu bixiyo 75-milyan oo Ganni, si uu ula soo wareego Kalidou Koulibaly.

Macalinka Napoli ee Gennaro Gattuso, ayaa dhawaan qiray in xiddigga la fasaxi karo haddii lagu helo dhaqaale macquul ah.

Wahadaladii City ay la lahayd xiddigan xulka qaranka Senegal, ayaa hadda u muuqda in la isku afgaran waayay, sida uu wariyay Sports Mole.

Waxey kooxda hadda qorshaheeda u weecisay dhanka xiddigga u ciyaara Sevilla ee Jules Kounde.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version