Himilo – Malaysia ayaa billawdat howlgal baadigoob iyo samatabixin ah, markii doon sidday 37 muhaajiriin sharci-darro ku galay dalkaas ay ku degtay xeebaha galbeed.
Hay’adda Ilaalada Xeebaha Malaysia ayaa sheegtay in ilaa hadda la badbaadiyay 23 qof, kuwaas oo isugu jira 16 rag ah iyo 7 haween ah, halka 14 kale wali la la’yahay. Dadka la badbaadiyay ayaa la helay markii kalluumeysato maxalli ah ay arkeen.
Howlgalka raadinta waxaa ka qeyb qaadanaya maraakiibta ilaalada xeebaha, booliska badda, iyo kalluumeysatada deegaanka, iyadoo sidoo kale la adeegsaday diyaarado.
Baaritaan hordhac ah ayaa muujiyay in muhaajiriintan ay kasoo ambabaxeen Indonesia 9-kii May, iyagoo ku sii jeeday meelo kala duwan oo Malaysia ah, oo ay ka mid tahay caasimadda Kuala Lumpur.
Malaysia waxaa ku nool malaayiin muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka saboolka ah ee Aasiya, kuwaas oo intooda badan ka shaqeeya dhismaha iyo beeraha. Safarrada ay soo galeen ayaa ah kuwo halis ah. dhammaadkii 2025, 36 muhaajiriin ah ayaa dhintay markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay meel u dhow xadka Thailand iyo Malaysia.
