Home Habka-Nolosha Shabeellaha Dhexe: Fatahaad sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac

Shabeellaha Dhexe: Fatahaad sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac

0

Roobab mahiigaan ah oo da’ay intii u dhaxaysay 1 iyo labadii Bishan ayaa sababay fatahaad ku dhufatay magaalada Jowhar iyo tuulooyin hoos taga. Ilaa iyo hadda waxaa la soo weriyay inay ku dhinteen labo qof markii ay biyo ku hafteen.

Dhimashda dadka waxaa weheliya mid xoolaad iyo dhaawac dadeed. Daadadka ayaa saamayn daran u geystay dadka ku jira xeryaha barakaca oo ay ka mid yihin Alla Amin, Ciiltire, Rabi Suge, Ceynu Nasri, iyo kuwo kale. Deegaannada deriska la ah ayaa la qaba dhibaatada sida Hantiwadaag Village, iyo Horseed.

Dadkan oo horey u wajahayay dhibaatooyin kale, ayaa hadda waxaa u raacday xaaladdan oo galisay hoy la’aan iyo hubanti la’aan. Ilaa afar boqol oo qoyska ayay dantu ku qasabtay inay ka tagaan tuulooyinkooda.

Qoysaskana ayaa si degdeg ah ugu baahan cunno, gabbaad, ilaalin, gogol, maacuun, wacyi-gelin caafimaad iyo adeegyada kale ee aasaasi ah. In ka badan 2,400 qof ayaa ka barakacay deegaannadoodii, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani aadanimo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version