Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City iyo PSG oo ku kalsoon in Messi uu Barcelona ka...

Man City iyo PSG oo ku kalsoon in Messi uu Barcelona ka dhaqaaqi doono

0

Himilo – Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa labaduba la werinayaa in ay aamisan yihiin in Lionel Messi si xor ah kaga dhaqaaqi doono kooxda Barcelona.

33 sanno jirkaan ayaa isku dayay ka hayaamidda Camp Nou muddooyinkii lasoo dhaafay xilligii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin naadiga reer Catalan ayaa ku qancisay in laacibka sii joogo kooxdooda.

Qandaraaska Messi ee uu Barca kula jiro ayaa dhacaya xagaaga soo aadan taasi oo ka dhigan in laacibkaan uu xor noqon doono haddii uusan wax heshiis ah la gelin kooxda.

Man City iyo  PSG ayaa si weyn loola xiriirinayay xiddiga reer South American, sida ay ku warrameyso 90min, labada koox ayaa ku kalsoon in weeraryahanka uu dhaqaaqi doono dhammaadka 2020-21.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version