Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City oo beenisay iibinta Leroy Sane

Man City oo beenisay iibinta Leroy Sane

0

Himilo -Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay beenisay iibinta xiddiga garabka ugu ciyaara Leroy Sane kaasi oo uu xiiso kaga imaanayo naadiga Bayern Munich.

Xiddiga qaranka Germany ayaa heshiiskiisa waxaa ka haray laba sanno, Bayern ayaana isha ku heysa laacibkan 23 jirka ah si ay beddel ugu dhigaan Franck Ribery iyo Arjen Robben.

Waxaa sidoo kale lasoo jeedinayay in Bayern ay qorshayneyso in adeeggiisa ay qeyb kaga dhigto David Alaba.

Ilo ku dhaw kooxda Man City ayaa The Mirror u xaqiijiyey “Ma jiraan wax wada xaajood oo aan la galnay Bayern kuna saabsan Sane, waxaan isaga kala hadleynaa wax ku saabsan heshiis cusub mana jiraan in la iibinayo.”

Sane ayaa 39 gool u dhaliyey kooxda kaddib markii uu ciyaaray 133 kulan dhammaan tartamada oo uu u ciyaaray kooxda Man City.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version