Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo toddobaad u qabatay saxiixa Lukaku

Man United oo toddobaad u qabatay saxiixa Lukaku

0

Himilo – Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa inay 7 maalmood u qabtay kooxda Inter Milan saxiixa Romelu Lukaku.

Kooxda Serie A ka dhisan ayaa la ogyahay inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, kaasoo isna soo dhaweynaya u dhaqaaqista San Siro kaddib labo sanno oo uu joogay Old Trafford.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira shaki ku saabsan in Inter ay awoodi karto inay la soo saxiixato 26 jirka isagoo weli aan hoos loo dhigin  qiimaha United ay dalbatay.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, taasi waxay keentay in United ay dalbato qaraar deg deg ah,waxaana  la ogsoon yahay in waqtigu ka dhammaanayo raadinta beddel ku habboon booskiisa.

Suuqa kala iibsiga haatan wuxuu xirmayaa 8-da August, waxay United keliya haysataa  labo isbuuc si loo dhammeystiro waxa uuna noqon lahaa saxiix weyn ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Horyaalka Premier League ayay u badan tahay inay ceshan doonaan Lukaku haddii aysan helin dalab ku kacaya 75 Milyan oo ginni.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version