Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo kalsooni ku qabta inay City kaga guulaysan karto Harry...

Man United oo kalsooni ku qabta inay City kaga guulaysan karto Harry Maguire

0

Himilo -Manchester United ayaa go’aansatay inay ku garaacdo Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Leicester City Harry Maguire.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa weli rajeynaya inuu xoojiyo safkiisa  xagaagan ka dib markii uu ku dhameystay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu soo waramayaa in United ay wali ka harin Maguire, kaasoo ku kacaya 80 milyan oo ginni.

City ayaa weli ah kooxda ugu cadcad saxiixa 26 jirkan iyadoo Pep Guardiola uu doonayo inuu ku beddelo Vincent Kompany, waxay u muuqataa inuu doonayo inuu bixiyo 65 milyan oo Ginni.

Sida laga soo xigtay London Evening Standard, United ayaa fiirineysa inay bixiso dalabkaas, iyadoo ka warqabta inaysan awoodi karin inay xagaaga tagaan iyagoo aan heysan booska xiddigan. United ayaa dooneysa inay cadaadis ku sameyso dadaalkeeda ay ku dooneyso inay keento Maguire marka ay dhameystiraan saxiixa Aaron Wan-Bissaka oo ka imanaya Crystal Palace

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version