Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Rafa Benitez oo Newcastle ka tagaya Axadda soo aadan

Rafa Benitez oo Newcastle ka tagaya Axadda soo aadan

0

Himilo – Tababaraha Newcastle United Rafa Benitez ayaa guda galaya Isbuuciisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Magpies isagoo aan  weli saxiixin heshiis cusub.

59 jirkan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 30-ka Juun, waxa la hordhigay heshiis kordhin oo uu ka helayo madaxda sare ee United, oo ah 12-bilood in uu saxiixo .

Dhanka kale, Dalian Yifang ayaa sidoo kale doonaysa in  laba jibaar mushaarka Benitez oo ah £ 6million  sanadkii siiyaan oo ah £12m.

Lkn  Benitez ayaa horay u helay dalabyo kale oo uga yimid kooxaha ka dhisan China, waxa ayna mid waliba soo bandhigeen mushaarka ay siinayaan haddii uu ku biro, £10M- sanadkii waxaa ula diyaar ah kooxda Shanghai SIPG halka  £8.6m- sanadkii ay usoo bandhigtay Evergrande,

Balse waxaa la rumaysanyahay in macallinkii hore ee kooxaha Liverpool iyo Chelsea ay ku adagtahay in qoyskiisa ay ka baxaan qaarada Europe.

59 jirkan ayaa kula guulaystay koob koox walba oo uu maamulay 18-kii sanno ee ugu danbeysay  – waxaa ka mida naadiyadaas Real Madrid , Inter Milan, Valencia iyo Napoli.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version