Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Manchester City oo heshiiska u kordhineysa Leroy Sane.

Manchester City oo heshiiska u kordhineysa Leroy Sane.

0

Muqdisho – Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Leroy Sane.

21 jirkan ayaa 18 bilood kaliya qandaraakiisa kaga harsan tahay shan sano oo u saxiixay kooxda ka dhisan Etihad Stadium, laakiin qaab ciyaareedka ciyaaryahanka ayaa u muuqda inuu u horseeday City inay sii dheereysato joogitaanka weeraryahankooda.

Sida laga soo xigtay The Sun, City ayaa isku diyaarineysa inay 25% ay kor u qaado mushaarka  Sane, mushaharkiisa hadda £60,000 todobaadkii ilaa £80,000 ayeyna dooneysaa inay gaarsiiso.

Sane ayaa lagu soo waramayay inuu sugi doono City inta ay xalinayso qandaraaska laacibiinta Fernandinho, David Silva iyo Kevin De Bruyne, laakiin Pep Guardiola ayaa doonaya inuu Sane ku abaalmariyo qaab ciyaareedkiisa.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version