Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo beddelka Paul Pogba ka baadigoobeysa Real Madrid

Manchester United oo beddelka Paul Pogba ka baadigoobeysa Real Madrid

0

Himilo – Manchester United ayaa doorbideysa in Paul Pogba ku beddeshaan laacibka Real Madrid, ee Federico Valverde kaasi oo kasoo muuqanaya Old Trafford, sida ay ku warrameyso The Sun.

Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tegayo Manchester United, iyadoo Real Madrid dooneysay in muddo ah.

Valverde ayaa ku biiray Real Madrid isaga oo ka yimid Penarol sannadkii 2017, markaas oo si amaah ah uga tegay Deportivo La Coruna, inkastoo markii danbe uu dib ugu soo laabtay Real. Xiise ayuu ka helayaa Manchester United.

22 jirkaan ayaa saftay 74 kulan dhammaan tartamada uu u ciyaaray Los Blancos tan iyo markii uu soo muuqday 2018. Waxa uu dheelay 44 kulan dhammaan tartamada xagaagii tegay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version