Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo iibineysa Daniel James

Manchester United oo iibineysa Daniel James

0

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa iney iibineyso Daniel James si lacagaha kasoo xarooda iibkiisa lacag loogu daro kuna soo qaataan xiddigga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

United ayaa ceyrsaneysa laacibka qaranka England xilli lasoo gabagabeynayo suuqa October 5, inkastoo Dortmund ku adkeysaneyso in Sancho uusan kooxda ka tageyn xagaagan.

Sida ay werineyso ESPN, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa albaabada u furay James si uu kooxda ugu tago, kaasi oo lala barbardhigo Mason Greenwood and Marcus Rashford.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in Leeds United ay ku doonayaan laacibkan, waxaana qiimaha laacibkan lagu iibsan karo lagu sheegay £25m Milyan oo Gini, laakiin ma cadda haddii ay bixin doonto kooxda Leeds lacagahan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version