Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Nin xabsi qalqaalsaday si uu kaga dhuunto gabadh ay sheeko wadaag yihiin

Nin xabsi qalqaalsaday si uu kaga dhuunto gabadh ay sheeko wadaag yihiin

0

Himilo – Waxaa uu doonayay inuu helo goob uu kaga nasto dalabyada guur ee is daba joog ah ee kaga imanayey saaxiibtiis markii uu xaday sameecad qiimaheedu yahay 285 oo doolar.

Waxa uu u sheegay boliiska inuu raadinayay meel uu ku nasto kagana dhuunto gabadha ay sheeko wadaaga yihiin, taas oo ku cadaadisay guur.

Muuqaal ay duubtay kaamirad qarsoon ayaa lagu arkay ninkan magaciisa la qariyay oo sahminaya halka sameecadu taallay kahor inta uusan ku dhiiran inuu xado.

Markii uu ku dhacay gacanta boliiska ayaa lagu xabisay saldhig boliis oo ku yaalla degmada Changning ee magaalada ugu wayn Shiinaha ee Shanghai.

Sheekadan oo hadal hayn ka dhex abuurtay bulshada Shiinada ayaa mid kamid ah dadkii ka aragti waxa uu yiri “waxa uu u muuqday inuu doonayo inuu saaxiibtiis ka niyad jabiyo guur hadda ah amaba mid mustaqbalka ah wuuna ku guuleystay,”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version