Home Cayaaro Manchester United oo ka baxday xiisaha xiddiga RB Leipzig ee Dayot Upamecano

Manchester United oo ka baxday xiisaha xiddiga RB Leipzig ee Dayot Upamecano

0

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa in ay ka baxeen doonistii ay u hayeen xiddiga RB Leipzig daafaca ugu ciyaara ee Dayot Upamecano.

Kooxda Premier League waxay muddooyinkii danbe baadi goob ugu jirtay daafac si ay u horumariyaan daafacooda dhexe.

22-jirkaan u dhashay qaranka France ayaa heshiiskiisa lagu burburin karaa qiimo dhan £38 milyan.

Si kastaba si ay ku warrameyso The Athletic, United ayaa biyo qabow ku shubtay xiisaha ay u qabeen laacibkan, iyada oo ay hadda ugu cadcaddahay naadiga Bayern Munich  oo si weyn u daneeneysa.

Kooxda hanatay horyaalka qaaradda Yurub sannadkii tegay ayaa raadineysa beddelka xiddigaha David Alaba iyo Jerome Boateng, kuwaasi oo la filayo in Allianz Arena ka tegaan 2021.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version